Taageerayaasha Angola ayaa garoonka u soo galay Mo Salah iyadoo Masar ay isreebreebka koobka adduunka la ciyaareyso xulka Angola oo kulankan kubad soo bandhigay.

Sharaxaada Ciyaarta

Xidigga Liverpool iyo Xulkiisa ayaa ciyaarta looga hogaaminayay 2-0 inkastoo ay soo aareen goolashada kana dhigeen 2-2 kulan ka dhacay garoonka Angola 11 de Novembro Stadium.

Wararka ugu Xiisaha Badan

Booliiska ayaa loogu baaqay in ay meesha ka saaraan dhalinyarada aadka u xiisaynayay, kuwaas oo dhamaantood sawiro ka doonay ciyaaryahanka ugu caansan Afrika.

Isagoo ka ciyaarayay qeybta dhexe Salah ayaa ku dhiiri galiyay asxaabtiisa kooxda inay xaqiijiyaan dhibcihii ay u baahnaayeen xitaa bar-baro si ay ugu guuleystaan ​​Group-ka F iyagoo kulan u haray.

Barbaraha ayaa sidoo kale u diiday Gabon fursad ay ku xado booska play-offka kulanka ugu dambeeya ee Group-yada ee Masar todobaadka soo socda.

Gabon ayaa 1-0 kaga yaabsatay Libya saacado yar ka hor inta aysan bilaaban ciyaarta Angola iyo Masar, waxaana u dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang horaantii qeybtii labaad.

Waxa ay soo afjartay rajadii Libya ee ahayd in ay isreeb-reebka soo baxdo, waxaanay Gabon ka dhigtay mid fursad heysta.

Masar ayaa ciyaarta soo gashay iyaga oo og in ay u baahan yihiin bar-baro kaliya waxana ay isku arkeen 36 daqiiqo kadib 2/0 oo ciyaarta looga hogaaminayo

Laakin goolal ay dhaliyeen Mohamed Elneny iyo Akram Tawfik ayaa Masar ka caawisay bar-baraha kulankan.

Masar ayaa ku biirtay Morocco, Senegal iyo Mali, kuwaas oo mar horeba u soo baxay 10-kooxood ee isreebreebka bishii March.

Kaliya kooxda ku guulaysata Group-ka ayaa u soo bixi doonta Play-offka Africa iyo lixda kooxood ee kale ayaa la go’aamin doona maalinta talaadada ah marka uu dhamaado heerka Group-yada.

Shanta xul ee ku guulaysta labada lugood ee Play-off-ka ayaa noqon doona wakiillada Afrika u matalaya koobka adduunka ee Qatar.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here