Ciyaaryahankii hore ee Manchester United kabtan Roy Keane ayaa ku tilmaamay dabaaldega Harry Maguire ah “mid ceeb ah” kadib goolkiisa Albania.

Daafaca dhexe ayaa furay goolasha ka dib sagaal daqiiqo oo kaliya kulankii ka dhacay Wembley, isagoo la kulmay laad xor ah oo uu soo qaaday Reece James ah oo madax sax ah ku dhaliyay.

Maguire – oo si weyn loogu dhaleeceeyay qaab ciyaareedkiisa Red Devils xilli ciyaareedkan – ayaa u dabaal degay qaab dhegaha la qabto, taasoo aan haba yaraatee uu la dhacsanayn Keane.

Wararka ugu Xiisaha Badan

Keane oo la hadlay ITV ayaa yidhi: “waxa uu qabtay waxan u malaynayaa in ay taasi ceeb tahay. Waxa uu ceeb ku ahaa bilihii ugu dambeeyay iyo ciyaayihiisa Manchester United.

Maguire ayaa ku difaacay dabaaldegiisa wareysigiisii ​​ciyaarta ka dib, isagoo yiri: “[Dabaaldegga] laguma jeedin qofna, gacmahayga ayaan dhegaha saaray.

“Waxaan ahay kabtanka Manchester United, dabcan waxaan heli doonaa dhaleeceyn marka kooxdu aysan si fiican u shaqeynin, si buuxda ayaan u filayaa taas, laakiin dabaaldega cidna laguma jeedin.”

England waxay u baahan tahay hal dhibic kaliya kulanka ay la ciyaarayaan wiilasha San Marino isniinta si ay u dammaanad qaadaan kaalinta koowaad ee Group I ka dib guushii 5-0 ee jimcihii.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here