Diogo Dalot ayaa lasheegayaa in uu aad u doonayo in uu baaqi kusii ahaado Manchester United xilli ay soo jeedinayaan in Roma ay dooneyso saxiixiisa inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa lix kulan u saftay Red Devils intii lagu jiray ololaha 2021-22, oo ay ku jiraan seddex kulan oo Premier League ah, laakiin wuxuu ka dambeeyaa Aaron Wan-Bissaka booska ugu sarreeya ee Old Trafford.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in tababaraha Roma Jose Mourinho , kaasoo daafaca midig ee Man United ka keenay Porto 2018, uu doonayo inuu dib ula midoobo 22 jirkaan Talyaaniga.

Wararka ugu Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay CaughtOffside , Dalot wuxuu qorsheynayaa inuu la sii joogo kooxda 20-ka jeer ee horyaalka Ingriiska si uu ugu dagaalamo doorka joogtada ah ee kooxda koowaad.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Red Devils ay dhawaan wadahadalo la furto xidiga reer Portugal si uu heshiis cusub u saxiixo, maadaama uu qandaraaskiisa haatan ku eg yahay June 2023.

Dalot ayaa xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay AC Milan, isagoo 33 kulan u saftay kooxda reer Talyaani tartamada oo dhan, ka hor inta uusan ku laaban Manchester.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here