Facebook

Dhuusamareeb (dalkaan) – Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa markale dib loogu doortay xubin ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Glamuudug.

Cabdi Qeybdiid ayaa ku soo baxay cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee Cawil Nuur Cali oo kala qeyb-galayey doorashada.

Xildhibaanada Galmudug ayaa codka siiyey Qeybdiid, wuxuuna helay 83 cod, sida uu shaaciyey guddoonka baarlamaanka.

Natiijada doorashada ayaa aheyd mid horey loo sii ogaa, isla-markaana loo saadaalinayey inuu kusoo baxayo Cabdi Qeybdiid oo haatan ka mid ah saaxibada Qoor Qoor.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii soconeya, waxaana la guda-galayaa kursiga labaad oo ah kan ugu dambeeyey guud ahaan Aqalka Sare, waxaana ku tartamaya musharixiinta kala ah Cabdi Cismaan Xareed & Mahad Aadan Guuleed, iyada oo loo saadaalinayo Xareed.

Dhinaca kale ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada ayaa aad loo adkeeeyey, waxaana la dhigay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga.

Si kastaba, qabashada doorashada labadaan kursi ayaa dhammeystireysa doorashada Aqalka Sare oo ka dhacday Muqdisho iyo xarumaha maamul goboleedyada dalka.

Facebook


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here