Hakim Ziyech ayaa u muuqda mid amaah uga tagaya Chelsea bisha Janaayo.

Dortmund ayaa xiiseyneysa inay lasoo wareegto weeraryahanka Morocco kaasoo kaliya 10 jeer u saftay kooxda Thomas Tuchel xilli ciyaareedkan.

Maamulaha Blues Tuchel ayaa durba ka fikirayay inuu u ogolaado Ziyech inuu baxo ka hor dhamaadka suuqii Ogosto laakiin u dhaqaaqistiisa waa uu ku guuldareystay.

Wararka ugu Xiisaha Badan

Dortmund ayaa ka mid ahayd kooxaha xiisaynaya saxiixa xiddigii hore ee Ajax, oo 28 jir ah, markii ay Chelsea ka soo bixisay 33.3 milyan ginni xagaagii 2020.

Ziyech ayaa seddex sano uga hartay heshiiskiisa Stamford Bridge, isagoo ka dhigaya heshiis amaah ah doorashada ugu macquulsan.

Kooxda Bundesliga ka dhisan ayay u badan tahay inay ku biiraan kooxo kale suuqa Janaayo oo doonaya saxiixiisa.

Tuchel ayaa door biday in uu daqiiqado u dhiibo Ross Barkley iyo Ruben Loftus-Cheek, kuwaas oo labadoodaba amaah lagu bixiyay xiliga Frank Lampard ee xilli ciyaareedkii hore.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here