Saddexda libaax ayaa si fudud ku soo martay qeybtii labaad ee ciyaarta iyagoo 5-0 kaga badiyay xulka Albania oo marti ugu ahaa garoonka Wembley Stadium.

Sharaxaada Ciyaarta

Harry Maguire ayaa daqiiqadii 9-aad ee ciyaarta u dhiibay hogaanka kooxda Gareth Southgate isaga madax ku dhaliyay kubad uu soo qaaday Reece James.

Wararka ugu Xiisaha Badan

Harry Kane ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0 isagoo madax ku dhaliyay goolkaasi, ka hor inta aanu gool dhalin Jordan Henderson oo ciyaarta ka dhigay 3-aad.

Xiddiga Spurs ayaa markaas ciyaarta ka dhigay 4-0 isagoo lugta bidix ku dhaliyay kubad uu ka helay Raheem Sterling Daqiiqadii 33aad, ka hor inta uusan goolkiisa saddexaa dhalin dhamaadka qeybta hore isagoo kubad lasoo qaaday u dhaliyay qaab labaaley ah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa aheyd mid aad u hooseysa oo labada kooxood gool iska dhalin laakiin taageerayaasha ayaa daawanayay kulankii ugu horeeyay ee caalami ah Emile Smith Rowe, iyadoo xiddiga Arsenal uu u soo galay badal loogu sameeyayRaheem Sterling daqiiqadii 77aad.

Kulamada kale ee la ciyaaray.

FT Moldova 0-2 Scotland
FT Andorra 1-4 Poland
FT Austria 4-2 Israel
FT Denmark 3-1 Faroe Islands
FT England 5-0 Albania
FT Hungary 4-0 San Marino
FT Italy 1-1 Switzerland
FT N. Ireland 1-0 Lithuania

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here