SERGIO AGUERO ayaa lagu soo waramayaa inuu ku qasban yahay inuu joojiyo kubadda cagta sababtoo ah dhibaatada wadnaha, sida lagu sheegay warbixin naxdin leh oo ka soo baxday Spain.

Gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda Manchester City ayaa dhibaato dhanka neefsashada ah la kulmey markii uu u ciyaarayey kooxda cusub ee Barcelona kulankii Alaves ee ka dhacay Nou Camp bishii hore.

33-sano jirkaan ayaa loo qaaday isbitaal si looga baaro wadnaha , mana ciyaari doono ugu yaraan seddexda bilood ee soo socota inta baaritaan dheeri ah lagu sameynayo.

Wararka ugu Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, bandhigga ‘El Matí’ ee Catalunya Ràdio ayaa sheeganaya in pathology-ga Argentine uu ka adag yahay sidii la filayay.

Waxayna sheegeen in xaaladiisa ay ku qasbi karto inuu gabi ahaanba joojiyo ciyaarta.

Waxayna taasi keeni kartaa in Aguero uu noqdo mid aan la jaan qaadi karin kubbada cagta heerkii ay Barcelona u baahnayd.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay kooxda oo ku aadan xaalada Aguero.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here