Arsenal ayaa kula biirtay Juventus dagaalka ay ugu jirto xiddiga Fiorentina Dusan Vlahovic.

Taasi waa sida laga soo xigtay Tuttosport, kuwaas oo sheegay in Vlahovic uu ku jiro liiska ugu sarreeya.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Serbia ayaa dhaliyay 10 gool 12 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan, sideed ka mid ah waxa uu dhaliyay Serie A.

Wararka ugu Xiisaha Badan

Ka dib markii ay ku guuldareysteen inay bedelaan Cristiano Ronaldo suuqii xagaaga, Bianconeri ayaa u baahan weerar dhexe oo cusub.

Inkastoo Gunners ay diyaar u tahay inay la kulanto Viola oo ay ku dooneyso 68 milyan ginni, Vlahovic waxaa laga yaabaa inuusan dooneyn inuu u dhaqaaqo waqooyiga London.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here