Scott McTominay ayaa seegi doona kulanka ay Scotland berri la ciyaari doonaan xulka Moldova koobka adduunka kadib markii uu dhaawac soo gaaray.

Waxaa shaaca laga qaaday in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United uu ka qaaday xanuun dhanka dhuunta ah kaasoo sababay inuu ka baxo kulanka.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in McTominay uu dib ugu soo laaban karo xulka Scotland dhamaadka usbuuca hadii uu soo kabsado.

Wararka ugu Xiisaha Badan

Maqnaanshaha McTominay waxa ay khasaare weyn ku noqon doontaa kooxda Steve Clarke iyadoo 24 jirkan uu dhaliyay goolkii guusha ee Scotland ciyaartii hore ee Koobka Adduunka ee bishii hore ay la ciyaareen Israel.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here