Kooxda Aston Villa ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay tababaraha cusub ee kooxdeeda ka dhigtay halyeeyga kooxda Liverpool iyo xulka England ee Steven Gerrard kaddib caydhintii Dean Smith.

Gerrard ayaa xilli ciyaareedkii hore qaab guuldarro la’aan ah horyaalka dalka Scotland kula soo qaaday kooxda Rangers oo uu hadda kaga yimid Villa.

41 sano jirkaas ayaa kooxo badan kusoo jiitay hab ciyaareedkiisa tababare ee heerka sarre ah kaddib markii uu Rangers isbedel weyn ku sameeyay.

Wararka ugu Xiisaha Badan

Rangers ayuu ku biiray sanadkii 2018 kaddib markii uu mudo ahaa tababaraha kooxda da’yarta ah ee Liverpool, Madaxa fulinta Aston Villa ee Christian Purslow ayaa soo dhaweeyay Stevie G.

Dhinaciisa Gerrard oo dareenkiisa cabiray ayaa sheegay in Aston Villa tahay koox leh taariikh qani ah isla markaana uu ka helay hammiga kooxda.

“Aston Villa waa koox taariikh qani ah iyo dhaqan ku dhex leh kubadda cagta England aniguna si aad u weyn ayaan ugu han weynahay inaan noqdo tababaraheeda cusub” ayuu yidhi Gerrard.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here