Antonio Conte ayaa doonaya in uu Gareth Bale ku soo celiyo Tottenham markii saddexaad sida ay wararku sheegayaan.

Qandaraaska xiddiga reer Wales waxa uu dhacayaa xagaaga laakiin waxaa jirta fursad Spurs ay u dhaqaaqi karto bisha Janaayo, sida uu qabo saxafiga Isbaanishka Eduardo Inda.

Waxa uu u sheegay El Chiringuito TV: “Daniel Levy waxa uu jeclaan lahaa in uu qaato ciyaaryahan Real Madrid ah oo mar walba dhaawac ah.

Wararka ugu Xiisaha Badan

“Waxa uu doonayay in uu la soo saxiixdo Eden Hazard, laakiin Conte waxa uu u sheegay ‘maya’ sababtoo ah waxa uu ka garanayaa markii uu tababarka ku qaatay Chelsea waxana uu sheegay in uu aad u xoogan yahay isla markaana aanu ahayn xidig aad u adag.

“Waxa ugu yaabka badan ayaa ah ciyaartoyga uu Conte ka codsaday Levy inuu geeyo London. Waa Gareth Bale.

“Bale waxa dhamaanaya qandaraaskiisa dhamaadka xili ciyaareed kaan, laakiin jiilaalka ma noqon doono xor”.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here