Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Everton iyo Newcastle ayaa xiisaynaya saxeexa khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Aaron Ramsey oo 30 sano jir ah. (Goal)

Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay suuqa January iibiso Paul Pogba oo heshiiskiisa kooxdu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedka dambe. (Star)

Wararka ugu Xiisaha Badan

Aston Villa ayaa u baahan doonta inay Rangers siiso lacag 2 Milyan oo pound ah haddii ay tababare u magacaabayso Steven Gerrard. (Express)

Newcastle United tababaraheeda cusub ee Eddie Howe ayaa bar-tilmaameed ka dhiganaya daafaca midig ee Atletico Madrid ee Kieran Trippier suuqa January. (Express)

Barcelona xiddigaheeda ayaan ahayn kuwo ku faraxsan Philippe Coutinho oo ay u arkaan mid kooxda ka gaabiyay xilli lala xidhiidhinayo Newcastle. (Star)

Leicester City tababaraheeda Brendan Rodgers ayaa ah midka ugu cad-cad ee Ole Gunnar Solskjaer ka bedeli kara Manchester United. (Eurosport)

Manchester United ayaa rajaynaysa inay Chelsea ku garaacdo saxeexa daafaca dhexe ee kooxda Sevilla ee Jules Kounde. (AS via Express)

Liverpool ayaa xiisaynaysa 24 sano jirka kooxda West Ham United ee Jarrod Bowen balse aan u dhaqaaqi doonin bisha January. (Mirror)

Newcastle United ayaa qaab bilaash ah kula saxeexan karta Ousmane Dembele haddii uu diido inuu heshiis cusub u saxeexo Barcelona. (Express)

Barcelona ayaa Dembele ka saxeexan karta heshiis ku xidhan wakhtiga uu garoonka dhexdiisa ku qaato ee uu ciyaaro. (Sport)

Genoa tababaraheeda Andriy Shevchenko ayaa doonaya inuu kooxdiisii hore ee Chelsea kala saxeexdo Christian Pulisic. (Secolo XIX – in Italian)

Barcelona waa inay dib ula saxeexato Lionel Messi marka heshiiskiisa PSG dhaco xagaaga 2023 sida uu qabo murashaxii madaxweyne ee Victor Font. (Marca)

West Ham ayaa diidi karta xataa dalabaadka 100-ka Milyan ee pound ah ee laga soo gudbiyo Declan Rice si ay kooxdeeda mustaqbalka uga hareero dhisto. (Sun)

Arsenal isku daygeeda ah inay Fiorentina kala saxeexato weeraryahan Dusan Vlahovic ayaa dhibaato ku timid kaddib markii wakiilkiisu diiday inuu wadahadalo la bilaabo Gunners. (Mail)

Newcastle ayaa wadahadalo la bilawday wakiilada 26 sano jirka daafaca dhexe ee Bayern Munich ee Niklas Sule. (Newcastle World)

Borussia Monchengladbach ayaa tixgelinaysa inay bisha January u dhaqaaqdo saxeexa 22 sano jirka weeraryahanka ah ee Arsenal ee Eddie Nketiah. (Sun)

Giovanni Simeone oo ah wiilka tababare Diego Simeone ayaa halka sarre kaga jira liiska doonista West Ham United xilli uu u ciyaarayo kooxda Verona isaga oo amaah kaga maqan Cagliari. (Express)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here