Wakiilka kubada cagta Talyaaniga ahna qareen Claudio Pasqualin ayaa sheegay in weeraryahanka Fiorentina Dusan Vlahovic uu iska diiday xiisaha Arsenal sababo la xiriira dalabyo waaweyn.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia ayaa lagu xamanayay inuu isha ku haayo Gunners, iyadoo warbixin dhawaan soo baxday lagu sheegay in kooxda Waqooyiga London ay ogolaatay inay bixiso 68 milyan ginni si ay u hesho saxiixiisa.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Vlahovic ayaa loo malaynayaa in aanay aqbalin wicitaanada Arsenal, Pasqualin waxa uu aaminsan yahay in dhinacyada dhaqaalaha ee dalabka Gunners ay tahay qodobka go’aamin kara.

Wararka ugu Xiisaha Badan

Isagoo la hadlaya FirenzeViola.it , Pasqualin wuxuu yiri: “Saldhigga waxaa jira jiritaanka dalabyo waaweyn. Sida cad wuxuu leeyahay xiriiro iyo aragtiyo gaar ahaan kooxo bixin kara dhaqaalo intaasi ka badn.

Tottenham Hotspur ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa inay ku dagaalanto saxiixa Vlahovic, kaasoo diiday heshiiska Fiorentina si uu ugu xiro heshiis cusub oo dhaafsiisan 2023.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here