Manchester City weeraryahankeeda Riyad Mahrez ayaa lagu soo waramayaa in uu ka tagayo Etihad Stadium marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

30-sano jirkaan ayaa 15 kulan u saftay Citizens intii lagu jiray ololihii 2021-22, isagoo dhaliyay sideed jeer wuxuuna ka qeyb qaatay labo caawi.

Mahrez ayaa kaliya ciyaaray 15 daqiiqo oo kubada cagta ah seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Man City, inkastoo lagu eedeeyay inuu ka careysan yahay doorkiisa kooxda.

Wararka ugu Xiisaha Badan

Sida laga soo xigtay Foot Mercato , xiddiga heerka caalami ee dalka Algeria ayaa diyaar u ah inuu sahamiyo dookhyadiisa marka uu furmo suuqa kala iibsiga jiilaalka.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ay weli jecel yihiin weeraryahanka, waxaana laga yaabaa inay isku dayaan inay u dhaqaaqaan Janaayo haddii Man City ay u muujiso inay diyaar u tahay inay iska iibiso.

Mahrez, ayaa qandaraas kula jira kooxda Pep Guardiola ilaa June 2023, waxana uu shabaqa soo taabtay afar jeer afar kulan oo Champions League ah xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here