Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay garabka Villarreal Arnaut Danjuma bartilmaameed macquul ah suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Kooxda Premier League ka dhisan ayaa xiiseyneysay ciyaaryahanka horaantii sanadkan ka hor inta uusan 24 jirkaan go’aansan inuu u dhaqaaqo La Liga.

Danjuma ayaa tan iyo markii uu ololahan ku bilaawday si heer sare ah, waxa uu ka qayb qaatay todobo gool, labana caawiye ka ahaa horyaalka Spain iyo Champions League.

Wararka ugu Xiisaha Badan

Inkastoo ay macquul tahay in Villarreal ay diido dalab kasta oo ku aadan saxiixiisa, saxafiga reer Talyaani ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in Liverpool ay isha ku heyso xaalada.

Isagoo ka hadlayay We Go Podcast , Romano ayaa soo jeedinaya in Jurgen Klopp laga yaabo inuu u dhaqaaqo Danjuma bisha Janaayo Mohamed Salah iyo Sadio Mane maadaama ay waqti ku qaadanayaan Koobka Qaramada Afrika.

Danjuma ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sano ah bishii Ogosto.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here