Arsenal ciyaaryahankeeda khadka dhexe Emile Smith Rowe ayaa helay uu ugu biiro xulka England ee Isreeb-reebka koobka adduunka.

21-sano jirkaan, oo dhaliyay gool seddexaad oo isku xiga oo Premier League ah guushii ay ka gaareen Watford axadii, ayaa imaanaya iyadoo Marcus Rashford iyo James Ward-Prowse ay ka baxeen qaranka.

Rashford ayaa la sii joogi doona Manchester United si uu u sii wato soo kabsashadiisa ka dib markii uu dhaawac soo gaaray kulankii Atalanta ee Champions League, halka Southampton ee Ward-Prowse uu la maqan yahay xanuun.

Mason Mount iyo Luke Shaw sidoo kale wali kama aysan soo xaadirin waajibaadkooda Mount ayaa dhawaan lagu sameeyay qaliin ilkeed waxaana la qiimeyn doonaa maalmaha soo socda halka Shaw uu raacayo borotokoolka ka dib markii ay isku dhaceen Rodri kulankii Manchester derby.

England ayaa Wembley ku marti galin doonta Albania habeenka jimcaha ka hor inta ayna booqan San Marino todobaadka soo socda iyaga oo isha ku haya in ay iska xaadiriyaan koobka adduunka sanadka soo socda

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here