(Photo by Oli Scarff – Pool/Getty Images)

Manchester United weeraryahankeeda Edinson Cavani ayaa shaaca ka qaaday inuu seegay Manchester derby ka dib markii uu dareemay dhaawac seedka ah.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa la soo wariyay in laga saaray guuldaradii 2-0 ee fiidnimadii sabtida.

Cavani ayaa kaliya ciyaaray 37-daqiiqo shantii kulan ee ugu horeeyay kooxdiisa xilli ciyaareedkan sabab la xiriirta dhaawac ka soo gaaray seedaha, 34-sano jirkaan ayaana haatan xaqiijiyay in dhibaatadu ay dhawaanahaan heesatay.

Wararka ugu Akhriso Badan

Isagoo la hadlayay warbaahinta reer Uruguay ee El Observador , Cavani wuxuu yiri: “Arrintu waxay ahayd sidaan oo kale, ka hor inta aan la bilaabin xilli ciyaareedka.

“Waxay igu kaliftay in aan dhawr usbuuc ku maqnaado ilaa aan bilaabay in aan daqiiqado ka helo kooxdayda. Waxa aan ku qasbanahay in aan ku laabto xulka qaranka, had iyo jeer aniga oo xanuun haya, laakiin rajo ah in ay taasi baa’bado

“Waxay ahayd mid soo hagaagaysa laakiin kulankii Tottenham kadib way soo laabatay. Waa dhaawac adag. Waxaana go’aansaday in aan is daweeyo si aanay u sii xumaan, oo aan sida ugu dhakhsaha badan u soo kabsado si aan taam ugu noqdo xulka qaranka”.

Weeraryahankii hore ee Paris Saint-Germain ayaa hal gool ka dhaliyay sideed kulan xilli ciyaareedkan, waxaana warka ku saabsan dhaawaciisa uu imaanayaa iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Paul Pogba uu garoomada ka maqnaan karo ilaa sanadka cusub isagoo dhibaato bowdada ah qaba

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here