Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester City ayaa Barcelona weydiisan karta khadka dhexe ee Frenkie de Jong haddiiba ay doonayso inay kala wareegto Raheem Sterling. (El Nacional)

Fiorentina weeraryahankeeda Dusan Vlahovic ayaa diiday heshiis uu January ugu wareego Arsenal sababtoo ah waxa uu sugayaa dalabaad kale. (Football Italia)

Ku dhawaad waa wax aan macquul ahayn in tababarihii Real Madrid ee Zinedine Zidane uu la wareego Man United haddii kooxdu caydhiso Ole Gunnar Solskjaer. (AS)

Leicester tababaraheeda Brendan Rodgers ayaa rajaynaya inuu Solskjaer bedelo walow uu doorbidayo inuu ilaa xagaaga dambe sugo. (Caught Offside)

Aston Villa liiska tababarayaasha ay ku bedelayso tababare Dean Smith ayay ku jiraan Steven Gerrard oo Rangers macalin u ah, tababaraha Southamoton ee Ralph Hasenhuttl iyo macalinka xulka Denmark ee Kasper Hjulmand. (Telegraph)

Belgium tababarahiisa Roberto Martinez ayaa sidoo kale u tartamaya shaqada Villa. (Time)

Wolves tababaraheeda Bruno Lage ayaa sheegay in xaalada heshiis kordhinta kooxda ee Adama Traore aysan isaga ka joojin doonin inuu 25 sano jirkaas shaxdiisa u xusho xilli qandaraaskiisa 18 bilood ka hadheen. (Mail)

Wolves ayaa ah kooxda inta ugu badan xiisaynaysa 24 sano jirka khadka dhexe ee kooxda Lille ee Renato Sanches oo ay bisha January u dhaqaaqi karaan. (Fichajes.net)

Sergio Ramos ayaan qorshaynayn inuu PSG ka tago suuqa January sida uu sheegay walaalkii ahna wakiilkiisa Rene, 35 sano jirkaas ayaan dhaawac dartii wali Paris ugu ciyaarin tan iyo markii uu kaga yimid dhinaca Real Madrid xagaagii. (Goal)

Inter Milan khadkeeda dhexe ee Marcelo Brozovic ayuu heshiiskiisa kooxdu dhacayaa xagaaga dambe, agaasimaha kooxdaas ee Beppe Marotta ayaa mar uu arrimahaas ka hadlayay sheegay in ciyaaryahanadu ay kooxda danaynayaan doonayaana inay sii joogaan. (Football Italia)

Crystal Palace ayaa rajaynaysa inay Napoli ku garaacdo saxeexa Andre-Frank Zambo oo qaab amaah ah Fulham ugaga maqan dhinaca Napoli hal xilli ciyaareed. (Sun)

Barcelona ayaa bisha January u dhaqaaqi doonta saxeexa 19 sano jirka kooxda RB Salzburg ee Karim Adeyemi  oo sidoo kale xiiso ka helaya Paris St-Germain, Bayern Munich, Borussia Dortmund iyo RB Leipzig. (El Nacional)

Real Madrid ayaa lix kamida xiddigaha kooxdeeda suuqa dhigaysa si ay u yarayso mushaharka ay bixiso waxaana ay kala yihiin Gareth Bale, Eden Hazard, Isco, Luka Jovic Marcelo iyo Jesus Vallejo. (AS)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here