Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Jordi Alba ayaa doonaya ka tagista Barcelona, ​​iyadoo El Nacional ay sheegtay in Lionel Messi uu doonayo saaxiibkiisii ​​hore ee Camp Nou inuu ku biiro Paris Saint-Germain. Barca ayaa wali raadineysa inay dhimto qarashka, iyadoo sidoo kale hoos u dhigaysa xidigaha qaar waxaana laga yaabaa inay u ogolaato inuu boxo. sida laga soo xigtay El Nacional

Daafaca bidix ee Manchester City Oleksandr Zinchenko ayaa u muuqda inuu bartilmaameed u yahay tababaraha cusub ee Genoa Andriy Shevchenko, Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ukraine ayaa ka hoos maray Joao Cancelo oo ku jira liiska ugu sareeya ee Etihad Stadium, waxaana laga yaabaa in loo ogolaado inuu tartan cusub ka galo Italy. sida uu sheegay Il Secolo XIX .

Tababaraha kooxda Roma Jose Mourinho ayaa damacsan inuu weerar ku qaado Real Madrid gaar ahaan Lucas Vazquez, Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa la sheegay inuu yahay ciyaaryahan ay Los Blancos u furan tahay inay iibiso bisha Janaayo. sida uu qabo Corriere dello Sport .

Sky Sports ayaa ku warameysa in Manchester United aysan qorsheyneynin inay ceyriso Ole Gunnar Solskjaer inta lagu guda jiro fasaxa caalamiga ah ee bisha November. Red Devils ayaa todobaadyadii la soo dhaafay la kulmaysay guuldarooyin hoos u dhac ah oo ay kala kulmeen kooxaha ay xifaaltamaan ee Liverpool iyo Manchester City, laakiin tababare Norwegian ah ayaa la siin doonaa waqti uu wax ku saxo. Sida laga soo xigtay Sky Sports 

Atletico Madrid ayaa wali isha ku haysa saxiixa weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette, Kooxda reer Spain ayaa wayday 30-sano jirkaan xagaagii hore, laakiin waxa uu qarka u saaran yahay in lagu helo beeca xorta ah marka uu qandaraaskiisu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan. sida laga soo xigtay La Razon .

Arsenal Xidigeeda Eddie Nketiah ayaa xiiso ka helaya Borussia Monchengladbach, 22 jirkaan ayaa kaliya labo kulan u saftay Gunners xilli ciyaareedkan, waxaana uu doonayaa inuu u wareego kooxo kale. – sida laga soo xigtay The Sun .

Liverpool ayaa isha ku haysa suurtogalnimada ay ku heli karto xiddiga Real Sociedad Mikel Merino Reds ayaa dareenkeeda u weecisay 25-sano jirkaan bedelkii Jude Bellingham, kaasoo Borussia Dortmund ay ku adkeysatay inuusan iib ahayn. sida laga soo xigtay Fichajes .

Real Madrid ayaa qorsheyneysa inay si weyn u fasaxdo ciyaartoyda kooxda koowaad, Kooxda reer Spain ayaa badbaadin doonta in ka badan 100 milyan oo euro (£86m/$116m) iyaga oo iska iibin doona Gareth Bale, Eden Hazard, Isco iyo Marcelo sanadka soo socda. sida laga soo xigtay AS .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Wales Aaron Ramsey ayaa qarka u saaran in la fasaxo Juventus ayaa, ka shaqaynaysa joojinta qandaraaska Aaron Ramsey. sida laga soo xigtay Calciomercato ,

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here