Xaalada Solskjaer ee Kooxda Manchester United ayaa mar kale shaki soo galay kadib guul-daradii Kooxda Manchester City kasoo gaartay.

Laakin wargayska The Guardian ayaa sheegaya in United qorshaynayn in ay shaqada ka caydhiso tababarihii hore ee Molde waxana uu rajaynayaa in uu hogaamiyo kulankooda soo socda kaas oo ah safar ay ku aadayaan Watford kadib fasaxa caalamiga ah.

Tiro ka mid ah ciyaartoyda United ayaa la sheegay inay ka walaacsan yihiin jiho la’aanta Solskjaer iyo shaqaalihiisa tababarka, iyadoo ciyaartoydu ay dareemayaan inaysan wax qorshe ah u lahayn ciyaaraha.

Bruno Fernandes ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid ka mid ah kuwa ugu walaacsan, halka Cristiano Ronaldo uu ka walaacsan yahay hoos u dhaca heerka kooxda tan iyo markii uu ka tagay 2009.

Antonio Conte ayaa aad u doonayay in uu qabto shaqada Old Trafford laakiin United ayaa ka walaacsanayd in uu u taagan yahay wakhti gaaban waxana uu badalkeeda ku biiray Tottenham.

Mauricio Pochettino waa bartilmaameed waqti dheer ah, halka tababaraha Leicester City Brendan Rodgers uu ku leeyahay taageerayaal gudaha Old Trafford.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here