Frank Lampard ayaa lagu soo waramayaa in uu wadahadalo la bilaabay Norwich City kaas oo ku aadan in uu la wareego tababaraha cusub ee kooxda kubada cagta.

Canaries ayaa ceyrisay la Daniel Farke isbuucaan ka dib markii ay ka badiyeen Brentford, xili kooxda ay fadhiso kaalinta ugu hooseysa ee Premier League.

Iyadoo Macalimiin dhoor ah lala xiriirinayo doorkaas, Lampard ayaa ahaa kan ugu cadcad xilli tababarihii hore ee Chelsea uu raadinayay inuu ku soo laabto shaqada.

Sida laga soo xigtay Football Insider , wadahadalo ayaa si rasmi ah u bilowday kooxda iyo tababaraha reer England kaasoo ku saabsan inuu awood u leeyahay inuu qabto shaqada.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here