Jigjiga (dalkaan) – Magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaa saaka ka socda dibad-bax ballaaran oo looga soo horjeedo jabhaddda hubeysan TPLF ee haatan dagaalka kula jirta ciidamada dowladda federaalka ee Itoobiya.

Boqolaal shacab ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Jigjiga, si  ay taageero ugu muujiyaan ciidamada milatariga Itoobiya ee wada howl-galka ka dhanka ah TPLF.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa wata boorar ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan xaaladda sii cakirmeysa ee dagaalka ka socda waddanka Itoobiya.

Erayada ay isticmaanayaan dibad-baxayaasha waxaa ka mid ah “Waxaan taageersanahay howl-galka ciidanka Qaranka, Ma iloobeyno weerarka wuxushnimada ah ee TPLF ku qaaday waqooyiga dalka iyo Ereyo kale oo ay shacabka Jigjiga ku cabirayaan dareenkooda.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa gacsmaha ku sita boorar waa weyn oo lagu soo xardhay sawirka ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Banaan-baxan ayaa daba socda khubadii uu shalay jeediyey madaxweynaha deegaanka Mustafe Cagjar oo walaac ka muujiyey mustaqbalka is-maamulka Soomaali Galbeed, haddii Tirgay ay qabsato Addis Ababa oo xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed ay burburto.

Si kastaba, Itoobiya ayaa ku jirta xaalad jahwaeerer ah oo ka dhalatay dagaalka ay wado jabhadda TPLF oo haatan ku sii dhowaaneysa magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here