Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa taariikhd Cusub ka Sameenya Premier League ah marka ay kooxdiisu wajahdo West Ham United axada.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar ayaa burburiyay rikoorka madadaalada xilli ciyaareedkan, waxaana uu si aad ah u xiiseeyay inuu Rikoor kale gaaro.

Salah ayaa shabaqa soo taabtay ugu yaraan hal mar mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu horeysay ee Liverpool ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkan, isagoo noqday ciyaaryahankii labaad ee taariikhda Premier League sidaas sameeya ka dib Thierry Henry .

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahankii hore ee Arsenal ayaa ku guuldareystay inuu rikoorkaas gaarsiiyo lix kulan xilli ciyaareedkii 2001-02, taasoo la micno ah in Salah uu noqon karo ciyaaryahankii ugu horeeyay ee taariikhda tartanka gool ka dhaliya lixdii kulan ee ugu horeysay ee ay ku ciyaaraan meel ka baxsan hal xilli ciyaareed.

Wiilka Macalin Jurgen Klopp ayaa sidoo kale higsan doona inuu barbareeyo rikoorka kooxda ee ah inuu dhaliyay ugu yaraan seddex gool todobadii kulan ee Ingariiska oo xiriir ah meel ka baxsan, waxaana markii ugu horeysay dhigay Birmingham City 1893dii.

Reds ayaa u dhacday kaalinta 3-aad ee kala saraynta ka hor kulanka maanfa kadib kulankii Derby Manchester ay sabtidii ka badisay kooxda Man United.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here