Khabiirka Sky Sports ahna daafaca Manchester United Gary Neville ayaa sheegay in Manchester City ay si u la kac ah u go’aansatay inaysan goolal badan ku xasuuqin Manchester United kulankii shalay ee Old Trafford.

Neville ayaa ku sababeeyay in City ay dooneysay inay hami geliso United qeybtii labaad balse ay ku ciyaar ciyaarto si ay u xanuunjiyaan una bahdilaan ilaa daqiiqada ugu danbeysa. Ciyaarta ka dib ayuu u waramay wariyaha ay ciyaarta isla tabinayeen ee Martin Teyler isagoo yiri:

“Waa adag tahay inaan ereyo kooban ku qeexo kulankaan, kulankii Liverpool xasuuq toos ah ayuu ahaa, laakiin kulankii Man City wuxuu ahaa sida in Man United suuxiso lagu duray, Man City hurdo qasab ah ayay gelisay Man United.

“30kii daqiiqo ee ugu danbeeyay ciyaarta, City sidii ilmo oo kale ayay u la ciyaareysay Man United, waana bahdilaad aad u weyn oo ay sameeyeen City qeybtii labaad”

Wariye Martin Teyler ayaa Neville weydiiyay: sidee ayay City u bahdishay United qeybtii labaad iyagoo aan wax gool ah dhalinin? Neville ayaa sheegay in Man City ay si u la kac ah u go’aansatay inaysan goolal kale dhalinin qeybtii labaad si ay uga dhaadhiciyaan United inay weli fursad heystaan balse hadana u xanuunjiyaan iyagoo kubada kala wareegaya islamarkaana sidii dhex ku jir ugu dheelaya.

Wuxuu yiri: “Feeryahanada waxay inta badan ku fekeraan inay qofka ku ciyaaraan ilaa iyo uu xanuunka ka tan badiyo, ma rabaan inay wareega koowaad ku dilaan qofka ay la feertamayaan, waxay doonayaan inay aaminsiiyaan inay fursad heystaan si ay u gaarsiiyaan 12 wareeg oo xanuun dhab ah, Manchester City sidaas ayay ku sameysay United qeybtii labaad.” ayuu yiri Neville.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Man City waxay dhalin kartay seddex, afar ilaa shan gool, laakiin waxay go’aansadeen inaysan sidaasi sameynin, taas bedelkeeda waxay go’aansadeen inay United gaarsiiyaan ilaa iyo daqiiqada ugu danbeeysa iyagoo hami leh si ay u xanuunjiyaan, waana sida aan dareemay markii aan ciyaarta daawanayay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here