Bruno Fernandes ayaa sheegay in guuldaradii 2-0 ee Sabtidii ka soo gaartay Manchester City ee Premier League ay muujineyso in Manchester United “aysan la mid ahayn” kooxda ay xafiiltamaan.

Gool uu iska dhaliyay Eric Bailly ayaa Citizens ugu diray garoonka Old Trafford ka hor inta uusan Bernardo Silva goolka labaad u dhalin qeybta hore ee ciyaarta.

Man City ayaa heshay 16 darbo intii lagu guda jiray qaab ciyaareed cajiib ah oo ay ka hortagtay kooxda Ole Gunnar Solskjaer , Fernandes ayaana ciyaarta ka dib qirtay in kooxdiisu ay ka liidato Kooxda difaacanaysa.

“Waa inaan hadal yareynaa oo aan sameynaa wax badan, waa inaan sameynaa si ka sii fiican, waxay na tuseen maanta inaan isku heer aheyn.”

Man United ayaa haatan laga badiyay afar ka mid ah 11 kulan oo Premier League xilli ciyaareedkan, waxaana ay noqon kartaa 11 dhibcood in laga sareeyo ka hor fasax caalamiga November.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here