Wargeyska France Football ee bixiya abaal-marinta xiddiga Adduunka ee Ballon d’Or ayaa wargeliyey guuleystaha sannadkan xilli ay saddex toddobaad ka hadhsan yihiin waqtiga sida rasmiga ah loogu dhawaaqayo.

30 ciyaartoy oo ay ka mid yihiin Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Jorginho, Benzema iyo Robert Lewandowski ayaa iskugu soo hadhay liiska gaaban ee tartameyaasha, kuwaas oo sugaya maalinta ugu dambaysa ee November 29 oo ah waqtiga lagu dhawaaqayo abaal-marinta.

Warbaahinta ciyaaraha ee adduunka ayaa mar kaliya ku war heshay xog cusub oo sheegaysa, in France Football uu la hadlay xiddiga ku guuleystay abaal-marintan oo uu ugu sii hambalyeeyey, taas oo haddii ay run noqoto waqti horeba niyad-jabinaysa xiddigo uu ka mid yahay Robert Lewandowski.

Telefishanka iyo idaacadda isku lammaan ee RTP Sports ayaa hadda shaaciyey in xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi uu ku guuleystay abaal-marintan, isla markaana uu wargeysku ku wargeliyey laacibkan.

34 jirkan ayaa haddii ay run noqoto, waxa uu abaal-marintan qaadanayaa markiisii toddobaad, iyadoo uu laba ka sarrayn doono Cristiano Ronaldo oo shan jeer hantiyey, halka Michel Platini, Johan Cruyff iyo Marco Van Basten ay min saddex jeer ku guuleysteen abaal ku guuleysteen abaal-marinta Ballon d’Or.

RTP Sports waxa uu warkeedan oo aanu wargeyska France Football xaqiijin isla markaana beenin, ka dhignaan doonaa haddii uu rumoobo, in ay wali sii socoto cahdigii ay adduunyada haysteen Messi iyo Ronaldo oo 12kii sannadood ee ugu dambeeyey iyagu kusoo guuleysanayay marka laga reebo sannadkii 2018 oo uu soo dhex-galay Luka Modric.

Lionel Messi ayaa xilli ciyaareedkii hore waxa uu kooxdiisii hore ee Barcelona usoo dhaliyey 30 gool, halka uu xulka qarankiisa Argentina u qaaday Koobkiisii ugu horreeyey oo ah Copa America.

Xilli ciyaareedkan socda oo uu Lionel Messi ka tirsan yahay PSG, wali wax gool ah kama dhalin horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, hase yeeshee waxa uu saddex gool saxeexay saddex kulan oo Champions League ah oo uu dheelay, kuwaas oo laba ka mid ah uu ka dhaliyey Manchester City.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here