Muqdisho (dalkaan) – Muran ayaa weli ka taagan kursiga uu qaatay Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed Khadar kadib markii uu si farsameysan ku qaatay kursi aysan jufadiisa laheyn.

Guddiga khilaafkaadka doorashooyinka ayaa joojiyey ansixinta kursiga kadib markii ay dacwad soo gudbisay jufadii laheyd kursiga oo ku doodeyso in laga boobayo kursigooda.

Ra’isulwaaare ku xigeenka dalka ayaa tan iyo markii la hakiyey ansixinta kursigiisa wuxuu waday dadaalo uu ku doonayo inuu ku sharciyeysto kursigaas.

Sida xogta sheegeyso Mahdi Guuleed ayaa kulan la qaatay Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna dacwad ka gudbiyey Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe oo meel fagaare ah ka weeraray doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed.

Mahdi Guuleed ayaa ergadii dooraneysay kursigiisa wuxuu ka reebay suldaanka Beesha uu kasoo jeedo Dubbe taasoo keentay inuu Dubbe ka shaqeeyo sidii dacwad looga gudbin lahaa kursiga uu qaatay.

Ra’isulwaasare Rooble ayaa guddi ka kooban seddex xubnood oo laba kamid ah yihiin wasiirada Xukuumadda u xil saaray xalinta arrintaan, waxaana la xaqiijiyey inay meel isugu keeneyn Duube iyo Mahdi isla markaasna la dhameeyey khilaafkooda.

Sidoo kale, guddiga uu Rooble kiiskaan u xil saaray ayaa la kulmay guddiga xallinta khilaafaadka, waxayna kala hadleyn sidii kursigaan loo ansixin lahaa shuruud la’aan.

Wararkii ugu dambeeyey ee la helayo ayaa sheegaya in guddiga ay aqbaleen soo deejinta guddiga uu Rooble magacaabay, balse waxay dalbadeyn in la sugo waqtiga ay sheegeyn inay go’aan kusoo gaarayaan oo aheyd 7 Maalin oo ka bilaabatay 2 Bishaan November.


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here