Khabiirka kanaalka Sky Sports ee Jones Knows ayaa sidii looga bartay saadaaliyay tobbanka kulan ee horyaalka Premier League usbuucan oo ah midkii 11-aad ee xilli ciyaareedka, toddobaadka ayay ku jiraan kulamo ay ugu culus yihiin kuwa dhex maraya Manchester United vs Manchester City, West Ham United vs Liverpool iyo Everton vs Tottenham.

Aan ku bilawnee kulanka duhurnimada berri gegida Old Trafford ku dhex maraya kooxaha Manchester United iyo Manchester City ayuu khabiir Jones Knows guusha siiyay Pep Guardiola iyo xiddigihiisa Man City isaga oo qaba inay guul iyo shabaq nadiif ah kala tagi doonaan OT.

Chelsea oo soo dhawaynaysa kooxda Burnley ayuu Jones aaminsan yahay inay guulaha sii wadi doonto hoggaankana sii haysan doonto oo ay saddexda dhibcood ka wada qaadan doonto Clarets.

Ciyaarta dhex maraysa kooxda qaab ciyaareedka wacan ku naaloonaysa ee Arsenal oo soo dhawayn doonta Watford ayuu Jones guul kale oo weyn u rajeeyay Gunners iyo tababare Mikel Arteta.

Saadaasha Jones Knows Ee Premier League Usbuuca 11-aad Oo Dhammaystiran

Southampton 1-0 Aston Villa

Man United 0-2 Man City

Brentford 1-0 Norwich

Chelsea 3-0 Burnley

Crystal Palace 1-1 Wolves

Brighton 3-0 Newcastle United

Arsenal 3-0 Watford

Leeds 2-2 Leicester

Everton 1-2 Tottenham

Everton 2-2 Liverpool

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here