Derby-gii 186aad ee Manchester derby ayaa Sabtida ka dhacay agaroonka Old Trafford, waxaanay noqon doontaa ciyaar xiise badan oo kusoo aadaysa xilli xaasaasi ah oo ay labada kooxoodba ku jiraan duruufo kala duwan, balse sii xumayn karta xaaladda Ole  Gunnar Solskjaer.

“Waxa aan ogahay in Manchester City ay natiijooyin xun kala soo kulmaysay Manchester United dhowaanahan, laakiin ciyaartan waxa guuleysanaysa Man City.” Sidaas waxa yidhi Khabiirka ciyaaraha BBC Sports ee Mark Lawrenson oo saadaalinayay kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan.

Mark Lawrenson waxa uu sheegay in xataa Manchester United aanay kubbad isku keeni doonin oo ay ciyaarta ku dhamaysan doonaan iyagoo marba dhinac  u eryanaya ciyaartoyda Manchester City oo baas ku dawakhin doona.

Kooxda horyaalka hoggaaminaysa ee Chelsea ayaa martigelin doonta Burnley kulan ay guul sahlan xaqiijisan doonto, isla markaana ay sii haysan doonto booskeeda kaalinta koowaad, laakiin Liverpool ayay sugaysaa ciyaar adag, waxaanay marti u tahay West Ham United oo ay Axadda ugu tegayso magaalada  London, waxaana uu Mark Lawrenson rumaysan yahay in xiddigaha Jurgen Klopp ay libin soo heli doonaan.

Saadaasha Mark Lawrenson oo dhamaystiran

Jimce

Southampton 2-1 Aston Villa

Sabti

Manchester United 1-2 Manchester City

Brentford 2-0 Norwich City

Chelsea 2-0 Burnley

Crystal Palace 2-1 Wolves.

Brighton 2-0 Newcastle

Axadda

Arsenal 2-0 Watford

Everton 1-2 Tottenham

Leeds United 1-2 Leicester City

West Ham 1-2 Liverpool

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here