Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay sahamiso suurtogalnimada ay kula soo saxiixan karto weeraryahanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang inta lagu guda jiro suuqa January.

Kooxda reer Catalan ayaa weyn doonta adeega Sergio Aguero ugu yaraan seddexda bilood ee soo socota, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina lala socdo xaaladiisa caafimaad ka dib markii uu xanuun feeraha ah ka qaaday kulankii Alaves isbuucii hore.

Sida laga soo xigtay El Nacional , Barcelona, ​​inkastoo ay haysato dhibaatooyin dhaqaale, waxay qorsheynayaan inay weeraryahan cusub u keenaan kooxda bilowga 2022, iyadoo Luuk de Jong amaah uu kaga maqan yahay Sevilla ay u badan tahay in la soo gaabiyo.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Aubameyang uu bartilmaameed u yahay kooxda ka dhisan La Liga, kuwaasoo lagu eedeeyay inay qarka u saaran yihiin inay Xavi u xaqiijiyaan inuu yahay macalinkooda cusub.

Aubameyang ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Gunners intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay toddobo gool, waxaana uu gacan ka geystay labo caawin 10 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

32-sano jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan ee Emirates Stadium wuxuu dhacayaa ilaa Juun 2023, laakiin waxaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here