Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa shaaciyey liiska ciyaartoydiisa ee kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee bishan November.

Laacibka Manchester United ku dhibaatoonaya ee Jadon Sancho ayaa laga reebay xulka, hase yeeshee waxa dib loogu yeedhay Marcus Rashfrod oo ka maqnaa intii ka dambaysay tartankii qaramada Yurub ee Euro 2020, isaga oo waqtigaas galay qalliin garabka ah.

England ayaa la ciyaari doonta Albania oo ugu iman doonta garoonka Wembley, kaddibna waxay u safri doonaan San Marino. Labadan ciyaarood oo ay ka helaan afar dhibcood, waxay xulka England ugu gudbayaan koobka Adduunka Qatar 2022 oo ay ka mid noqonayaan dalalka Yurub ee ka qayb-geli doona.

Gareth Southgate ayaa xushay 25 ciyaartoy oo ay ku jiraan laacibiin doorkii ugu dambeeyey aan qayb ka ahayn oo dhaawacyo ahaa, sida Harry Maguire iyo Trent Alexander Arnold  oo difaaca ah iyo Kalvin Phillips iyo Jude Bellingham.

Xiddigaha xulka qaranka England ee la shaaciyey maanta

Goolka: Sam Johnstone (West Bromwich Albion), Jordan Pickford (Everton), Aaron Ramsdale (Arsenal).

Difaaca: Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Ben Chilwell (Chelsea), Conor Coady (Wolverhampton Wanderers), Reece James (Chelsea), Harry Maguire (Manchester United), Tyrone Mings (Aston Villa), Luke Shaw (Manchester United), John Stones (Manchester City), Kyle Walker (Manchester City).

Khadka dhexe: Jude Bellingham (Borussia Dortmund), Jordan Henderson (Liverpool), Mason Mount (Chelsea), Kalvin Phillips (Leeds United), Declan Rice (West Ham United), James Ward-Prowse (Southampton).

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here