Chelsea ayaa ku dhawaaqday in Trevoh Chalobah uu qalinka ku duugay heshiis ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2025-26.

Ka dib markii uu soo jiitay tababaraha Thomas Tuchel intii lagu jiray xilli ciyaareedka ka hor, 22-sano jirkaan ayaa fursad la siiyay kooxda koowaad ee amaahda loogu diray.

Ciyaaryahanka ayaa muhiim noqday isagoo ka soo muuqday koobka UEFA Super Cup ee Villarreal ka hor inta uusan gool dhalin kulankiisii ​​​​ugu horeysay ee Premier League ee Crystal Palace seddex maalmood ka dib.

Isagoo haatan u saftay 10 kulan tartamada oo dhan, ciyaaryahanka ayaa lagu abaalmariyay qandaraas cusub oo afar sano iyo bar ah.

Chalobah ayaa u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda: “Waa arrin dhab ah, riyo ayay ii tahay inaan u saxiixo qandaraas cusub oo waqti dheer ah kooxdaydii caruurnimada, waxaana rajeynayaa inay riyadu sii socoto.

Fursada Chalobah ayaa timid kadib markii uu 130 kulan amaah ugu soo ciyaaray Ipswich Town, Huddersfield Town iyo Lorient.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here