Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Inter Milan Nicolo Barella ayaa lagu xamanayaa inuu ku faraxsan yahay inuu u dhaqaaqo Manchester United kaliya haddii uu go’aansado inuu u wareego Premier League.

24-sano jirkaan ayaa iska dhigay mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiican kubbada cagta adduunka, isagoo koobab kula guuleystay Inter iyo Italy horaantii sanadkan.

Kooxda heysata horyaalka Seria A ayaa haatan ku guda jirta wada xaajoodyo ay heshiis cusub ka saxiixaneyso ciyaaryahanka, inkastoo uu qandaraaskiisa uu ku eg yahay 2024.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay InterLive , Barella kama soo horjeedo u wareejinta Man United mar uun mustaqbalka.

United ayaa hubaal ah inay suuqa ugu jiri doonto hal ciyaaryahan oo booskaas ku cusub inta lagu guda jiro labada suuqa kala iibsiga ee soo socda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here