Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa goolkii uu xalay ku badbaadiyey Manchester United waxa uu ku jabiyey rikoodh dhinaca gool-dhalinta ah oo uu haystay tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Red Devils ayaa xalay barbarro 2-2 ah la gashay Atalanta iyadoo waqtigii dheeraadka ahaa uu Cristiano Ronaldo goolka  labaad u dhaliyey Manchester United oo laba jeer lagala  hormaray goolasha.

36 jirkan ayaa ciyaarta kaddib waxa uu qirtay inuu nasiibku siiyey goolka uu xilliga dambe dhaliyey, sababtoo ah waxay ahayd waqti ay kooxdiisu u muuqanaysay in ay niyaddooda gashay in laga adkaaday.

Cristiano Ronaldo ayaa 303 ciyaarood oo uu u saftay Manchester United, waxa uu u dhaliyey 127 gool, waana marka la isku daro labada  xilli ee sannadaha badan u dhexeeyaan ee uu u ciyaaray Red Devils.

127-ka gool ee uu dhaliyey, waxa uu hadda hal gool kaga sare maray tababaraha hadda ee Ole Gunnar Solskjaer oo 366 ciyaarood oo uu u saftay Manchester United u dhaliyey 126 gool, kuwaas oo uu ku jiro goolkii taariikhiga ahaa ee finalkii Champions League ee 1999kii.

Ronaldo iyo Solskjaer ayaa u wada ciyaaray Manchester United muddadii u dhaxaysay 2003 illaa 2007 ka  hor intii aanu Solskjaer ka  fadhiisanin ciyaaraha.

Cristiano Ronaldo ayaa noqday badbaadiyaha Manchester United ee xilli ciyaareedkan. Kulankii Villarreal ayuu goolka guusha dhaliyey ilbidhiqsiyadii ugu dambaysay, ciyaartii xigtay ee Atalanta ee Old Trafford na sidaas oo kale ayuu sameeyey, halka uu xalayna laba gool saxeexay, laakiin midka dambe ee barbarraha keenay uu aha adhamaadkii.

Si kastaba, Ronaldo ayaa Manchester United  u ciyaaray 11 kulan oo dhamaan tartamada ah, waxaana uu dhaliyey sagaal gool oo ay afar ka  mid ahi yihiin tartanka Champions League.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here