Halyeeyga Chelsea Joe Cole ayaa amaan buuxda u soo jeediyay Ruben Loftus-Cheek iyo Callum Hudson-Odoi ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Malmo wareega group-yada Champions League.

Blues ayaa heshay seddexda dhibcood ka dib gool uu dhaliyay Hakim Ziyech , iyadoo Hudson-Odoi uu caawiye ka ahaa.

Loftus-Cheek ayaa laga yaabaa in aanu shabaqa soo taaban, laakiin dadaalkiisa ​ khadka dhexe ayaa sidoo kale ahaa mid cajiib ah.

“Waxay ahayd mid joogto ah, waxay sameeyeen shaqada ugu badan ,” Cole ayaa u sheegay BT Sport .

“Ma ahayn wax cajiib ah laakiin waxaa jiray waxyaabo badan oo wanaagsan oo la qaadan karo.

” Ruben Loftus-Cheek wuxuu ahaa mid aad u fiican, waxa uu sameeyay. Callum [Hudson-Odoi] ayaa sameeyay saameyn, waxay heleen dhibcaha kulanka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here