Paul Pogba

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay u muuqato inay ugu cadcadahay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba xagaaga soo aadan.

Inkasta oo ay dadaal badan sameeyeen Man United ayaa ku fashilantay in ay heshiiska u kordhiso xiddiga ku guulaystay koobka adduunka dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Iyadoo 28-sano jirkaan loo ogol yahay inuu la hadlo kooxo ajnabi ah bilowga sanadka, waxaa jira aqbalaad in wax horumar ah aan la sameyn doonin ilaa kubadsameeyaha uu qiimeeyo dooqyadiisa.

Iyadoo Real Madrid ay waqti dheer la dhacsan tahay Pogba, Fichajes ayaa sheegay in PSG ay weli tahay kooxda ugu cad cad ee heshiis la gaari karta xiddiga reer France.

Warbixintu waxay soo jeedinaysaa in uu jiray wadahadal u dhexeeya hogaamiyayaasha Ligue 1 iyo wakiilka Pogba Mino Raiola ka hor wadahadalada rasmiga ah ee bilaabmaya sanadka soo socda.

Pogba ayaa weli ah ciyaaryahan muhiim u ah United isagoo 7 caawin sameeyay 12 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here