Kooxda Manchester United ayaa Caawa ku sugatay in laga reebo Koobka Champions league-ga kadib bar-baro ay la gashay Kooxda Atalanta ee Dalka Taliyaaniga waxana sidaasi ku sii hayaan Hogaanka Guruubkan oo ka harsan labo kulan.

Manchester United oo Caawa marti aheyd ayaa lagu qabtay bar-baro 2-2 iyadoo goolashada Kulankan ay Atalanta u dhaliyeen Xidigaha kala ah, J. Ilicic iyo D. Zapata,

Xidiga Ronaldo ayaana Manchester United ka Caawiyay Labada Gool isagoo goolkiisa labaad dhaliyay dhamaadka Ciyaarta.

Sharaxaada Ciyaarta

Daqiiqadii 12aad ee Ciyaarta Kooxda Atalanta ayaa hogaanka ciyaarta qabatay kubad banaanka lasoo dhigay waxaa dhameestiray J. Ilicic iyadoo kubada ay ku sii dhacday goolhayaha kooxda Manchester United.

Dhamaadka qeybta labaad Manchester United ayaa bar-bareesay kubadaasi kubad uu cirib ah waxaa baas ahaan soo dhigay B. Fernandes waxana meel cidlo ah ka helay Ronaldo kaasi oo ciyaarta ka dhigay 1-1 iyadoo lagu kala nastay sidaasi.

Manchester United oo kulankan caajis badan ka muuqday ayaa mar kale hogaanka laga qabtay waxanaa markan Shabaqa kasoo taabtay J. L. Palomino kaasi oo kubad loo soo qaaday si qurux badan u koontaroolay kadib shabaqa dhex dhigay Daqiiqadii 56aad ee ciyaarta.

Macalinka Manchester United ayaa badal sameeyay isagoo saaray Pogba iyo Rashford waxana uu ku badalay Matic iyo Cavani kuwaasi oo Cadaadiska wax yar ka dulqaaday manchester United.

Dhamaadka Ciyaarta Ronaldo ayaa Manchester United u dhaliyay goolka Bar-baraha isagoo kubad Awood badan ka dhaliyay goolhayaha Atalanta waxana uu baas Qurux badan uu ka helay Greenwood Daqiiqadii 90aad oo lagu daray 1 Daqiiqo guud ahaan ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2-2.

Natiijo ahaan Manchester United ayaa ku soo baxday kaalinta ugu horeysa ee Guruubkan iyadoo leh 7 dhibcood waxana labaad ku soo baxay Villareal oo leh 7 dhibcood

Kulamada kale ee la Ciyaaray Caawa.

Guruub F

Dhinaca kale, Barcelona ayaa guul ay aad ugu baahnayd waxay kasoo gaadhay kooxda reer Ukraine ee Dynamo Kiev oo ay kusoo garaacday 1-0. Gool madi ah oo uu u dhaliyey Ansu Fati ayaa Barcelona  ka caawiyey inay helaan guushan oo ay kusoo galeen kaalinta labaad ee hormada E iyagoo ka sare maray Benfica oo ay Bayern Munich ku xasuuqday 5-1.

Guruub H

kooxda Juventus oo 4-2 uga soo badisay Zenit St. Petersburg iyagoo hahaya hogaanka guruubkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here