Antonio Conte ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday heshiis labo sano ah si uu u noqdo tababaraha xiga ee Tottenham Hotspur .

Kooxda Lilywhites ayaa subaxnimadii isniinta ka xayuubisay Nuno Espirito Santo shaqadiisa ka dib guuldaradii 3-0 ee isbuucaan ka soo gaartay Manchester United – guuldaradii sagaalaad ee ka soo gaartay 17 kulan.

Sergio Conceicao iyo Paulo Fonseca ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwa bedeli kara, laakiin Conte ayaa hadda loo arkaa inuu yahay shaqsiga ugu cadcad inuu qabto Waqooyiga London.

Sida laga soo xigtay saxafiga Alfredo Pedulla , Conte ayaa haatan ogolaaday inuu qabto xilka Spurs , waxaana uu qandaraaska u saxiixi doonaa kooxda caasimada ka dhisan ilaa xagaaga 2023.

Tababarihii hore ee Inter Milan iyo Chelsea ayaa hadda la filayaa inuu u duulo London maanta si uu u soo gabagabeeyo ku soo laabashadiisa Premier League, isagoo meesha ka saaray xiisaha Manchester United.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here