Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay Vinicius Junior ku abaalmariso qandaraas cusub oo waqti dheer ah.

Laacibka reer Brazil ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu waa weyn kooxda, isagoo durba gacan ka geystay sagaal gool iyo seddex caawin horyaalka La Liga iyo Champions League xilli ciyaareedkan.

Iyadoo 21-sano jirkaan uu qandaraas kula jiro ilaa 2024, Los Blancos ayaa durbaba meel fiican ka taagan tahay mustaqbalka ciyaaryahanka.

Si kastaba ha ahaatee, Marca ayaa sheegtay in Real ay diyaar u tahay inay seddex jibaarto Vinicius Junior mushaarkiisa si uu ugu sii hayo Bernabeu mustaqbalka fog.

Real ayaa sidoo kale isku dayi doonta inay kordhiso qiimaha lagu burburin karo qandaraaska weeraryahanka, kaasoo horey loogu qorsheeyay wax ka yar 600 milyan ginni.

Laacibka ayaa qiray inuusan ku maaweelin doonin ka tagista kooxda mustaqbalka dhow.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here