Photo/Reuters

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Kevin De Bruyne ayaa lagu soo waramayaa inuu halis ugu jiro inuu lumiyo booskiisa kulanka sabtida ee Manchester United .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa si weyn ugu dhibtooday inuu saameyn joogto ah ku yeesho xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay seddex gool iyo hal caawin 12 kulan oo uu ciyaaray dhammaan tartamada.

Intaas waxaa sii dheer, De Bruyne ayaa kaliya qaatay 59 daqiiqo kulankii sabtida ee guuldarada 2-0 ah ay ka soo gaartay Crystal Palace, waxaana qaab ciyaareedkiisa uu u horseedi karaa Pep Guardiola inuu sameeyo isbadal cusub.

Sida laga soo xigtay The Sun , De Bruyne ayaa ka wal-walsan booskiisa safka hore ee Guardiola ee 11-aad ee derby xilli uu ku jiro qaab ciyaareed liita xilli ciyaareedka 2021-22.

De Bruyne ayaa ku soo bilowday kulan walba oo City ka tirsan Champions League xilli ciyaareedkan, inkastoo Citizens ay haatan isku diyaarinayaan inay Club Brugge ku soo dhaweeyaan Etihad Arbacada.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here