Laba toddobaad kadib kulan hal dhinac ah oo ay ku yeesheen London, kooxda heysata horyaalka ee Chelsea ayaa dib ula kulmi doonta Malmo kulan ka tirsan Champions League Group H.

Kooxda Malmö ayaa garoonka Eleda Stadion ku wajaheysa kooxda heysata horyaalka Yurub oo fadhida kaalinta labaad ee group-ka iyadoo ka dambeysa Juventus, halka kooxda martida loo yahay ay tahay mid hooseysa, iyadoo aan wax gool ah ama dhibic ah midna lahayn.

Wararka Labada Koox

Malmö: Anel Ahmedhodzic ayaa ka soo laabtay ganaax, waxaana la filayaa inuu ku soo bilowdo safka dambe ee seddexda ciyaaryahan ee kooxda martida loo yahay.

Taasi oo keeneysa Eric Larsson oo dib ugu soo laabanaya garabka midig ee halkan.

Felix Beijmo shaki ayaa ku jira, laakiin Ola Toivonen, Jonas Knudsen iyo Patriot Sejdiu ayaa dhamaantood seegaya kulankaan.

Chelsea: Saddexda ciyaaryahan ee dhaawaca ah ee Timo Werner, Romelu Lukaku iyo Mateo Kovacic ayaa dhamaantood maqnaan doona ilaa ciyaaraha caalamiga ah.

Christian Pulisic iyo Mason Mount ayaa la qiimeyn doonaa iyadoo labada ciyaaryahan ay rajeynayaan inay taam u noqdaan safarka Sweden.

Kepa, Trevoh Chalobah iyo Saul Niguez ayaa ka mid ah kuwa soo gali kara shaxda XI ee kulankan.

Shaxda Macquulka ee Ciyaarta

Malmo: Dahlin; Moisander, Ahmedhodzic, Brorsson; Larsson, Rakip, Innocent, Christiansen, Olsson; Birmancevic, Colak

Chelsea: Mendy; Azpilicueta, Christensen, Chalobah; James, Jorginho, Loftus-Cheek, Alonso; Buur, Ziyech; Havertz.

Xaqiiqooyinka labada Koox

Malmö FF ayaa laga badiyay seddexdii kulan ee ay la ciyaartay Chelsea tartamada Yurub iyadoo celcelis ahaan 9-1 ku badisay.

Chelsea ayaan wax guuldaro ah la kulmin todobadii kulan ee ay la ciyaartay kooxaha Sweden ilaa haatan, afar guul iyo saddex barbaro ayay la gashay tartamada oo dhan. Seddexdii kulan ee ugu dambeysay ayaa dhamaantood waxa ay la ciyaareen kooxda Malmö FF, iyadoo mid walba ay ku dhammaatay guulo ay gaartay Chelsea.

Malmö FF ayaa laga badiyay 7 ka mid ah siddeedii kulan ee ay hore ula ciyaartay kooxaha Ingariiska ee tartamada Yurub (W1), oo ay ku jirto mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeeyay. 

Marka kaliya ee ay ka fogaadeen guuldarada ciyaarahan oo kale waxa ay ka hortimid Nottingham Forest bishii Sebtembar 1995, markaasoo ay 2-1 kaga badiyeen UEFA Cup.

Malmo Vs Chelsea

Tartanka Champions league

Saacada (20:45pm Somaliya) (18:45pm Yurub)

Garoonka Eleda Stadion

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here