Kooxda hogaanka u haysa Group H oo leh dhibcihii ugu badnaa ilaa hadda, Juventus ayaa doonaysa in ay laba jeer ka badiso Zenit St Petersburg kulan ka tirsan Champions League

In kasta oo ay horeba ugu soo baxeen wareega 16-ka, Bianconeri waxa ay ku dhibtoonaysay gudaha dalka, halka Zenit ay heyso hogaanka horyaalka Russia taasi badalkeeda ay ugu hoosayso Group-ka.

Wararka Labada Koox

Juventus: Mattia De Sciglio ayaa dhaawac ku seegaya kulankaan, inkastoo aysan u badneyn inuu ku soo bilowdo, halka Moise Kean la qiimeyn doono.

Manuel Locatelli iyo Federico Chiesa ayaa la filayaa inay ku soo laabtaan XI, iyadoo ku darida dambe ay la micno tahay in Juan Cuadrado uu ku dhici doono daafaca midig.

Zenit St Petersburg: Zenit ayaa rajeyneysa in Malcom uu taam u noqdo kulanka Zenit ee Turin ka dib markii uu seegay kulankii ay 4-1 kaga badiyeen Dinamo Moscow.

Si kastaba ha ahaatee, Douglas Santos iyo Magomed Ozdoev ayaa laga saaray xulka Ruushka.

Shaxda Labada Koox

Juventus: Szczesny; Danilo, Bonucci, De Ligt, Sandro; Cuadrado, Bentancur, Locatelli, Chiesa; Morata, Dybala

Zenit St Petersburg: Kritsyuk; Lovren, Chistyakov, Rakitskyi; Sutormin, Kuzyaev, Wendel, Karavaev; Malcom, Azmoun, Claudinho

Xaqiiqooyinka Labada Koox

Juventus ayaan wax guuldaro ah la kulmin saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Zenit Saint Petersburg (2 guul iyo 1 bar-baro), halka kooxda reer Talyaani ay guul 1-0 ah ka soo gaadhay meel ka baxsan garoonkeeda kulankii ugu dambeeyay ee UEFA Champions League.

Zenit Saint Petersburg ayaa ku guuldareysatay inay wax gool ah ka dhaliyaan dhamaan seddexdii kulan ee hore oo ay Juventus kula ciyaartay tartanka UEFA Champions League, inkastoo ay isku dayeen 37 shuut.

Kulankan ayaa noqon doona markii 10-aad oo ay Juventus wajahdo kooxaha Russia ka socda ee tartamada Yurub, halka Old Lady ay badisay siddeed ka mid ah sagaalkii kulan ee hore (D1) waxayna guud ahaan shabaqeeda ilaashatay lix kulan.

Juventus Vs Zenit St Petersburg

Tartanka Champions league

Saacada (23:00pm Somaliya) (21:00pm Yurub)

Garoonka Juventus Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here