Manchester United ayaa dooneysa inay seddex guul oo xiriir ah ka gaarto Champions League marka ay garoonka Gewiss Stadium kula ciyaarto kooxda reer Talyaani ee Atalanta BC .

Red Devils ayaa haatan hogaanka u heysa Group F, iyagoo lix dhibcood ka aruursaday seddexdii kulan ee ugu horeysay, halka Atalanta ay ku jirto kaalinta seddexaad, iyadoo labo dhibcood oo kaliya ka hooseysa kooxda ay ku ciyaareyso Bergamo.

Wararka Labada Koox

Atalanta BC: Gian Piero Gasperini ayaa ku dhawaaqay Merih Demiral iyo Jose Luis Palomino inay taam u yihiin kulankan, taas oo ah mid soo dhawaynaysa marka loo eego walaacyada kale ee ay qabaan.

Ciyaaryahankii hore ee Middlesbrough Marten de Roon ayaa laga yaabaa inuu mar kale ku soo bilowdo daafaca iyadoo Rafael Toloi iyo Berat Djimsiti labaduba ay maqan yihiin.

Ruslan Malinovskyi ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu boos ka waayo XI.

Xidigaha kala ah Berat Djimsiti, Robin Gosens, Rafael Tolói, Matteo Pessina, iyo Hans Hateboer ayaa dhamaantood dhaawac uga maqan kulankan.

Manchester United: Victor Lindelof lama uusan safrin kooxda Manchester United ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray tababarkii isniintii sidaas darteed Ole Gunnar Solskjaer waa inuu go’aansadaa inuu ku bedelo seddexda danbe ama uu ku laabto afarta dambe.

Eric Bailly ayaa noqon doona bedelka dabiiciga ah ee Lindelof, laakiin Luke Shaw ayaa sidoo kale ka ciyaari kara seddexda dambe ee daafaca iyadoo Alex Telles uu ka ciyaari doono garabka bidix.

Marcus Rashford ayaa booska weerarka ka bedelidoona Edinson Cavani si uu halyeeyga reer Uruguay taam ugu noqdo kulanka sabtida ee Manchester Derby.

Ganaaxa maxaliga ah ee Paul Pogba ma saameenayo koobka Yurub, waxaana laga yaabaa inuu kulankan ku soo bilowdo isagoo bedelaya mid ka mid ah Fred ama Scott McTominay iyadoo maanka lagu hayo kulanka sabtida ee Manchester City.

Anthony Martial ayaa ah dhaawaca kale ee ka walwalsan tahay kooxda martida ah ka dib markii Raphael Varane uu ku soo laabtay safka hore ee isbuucaan.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Atalanta BC: Musso; Lovato, Demiral, De Roon; Zappacosta, Freuler, Koopmeiners, Maehle; Ilicic, Zapata, Pasalic

Manchester United: De Gea; Maguire, Varane, Shaw; Wan-Bissaka, Fernandes, McTominay, Fred, Telles; Ronaldo, Rashford

Xaqiiqooyinka Labada Koox

Atalanta ayaa badisay kaliya hal kulan shantii kulan ee ay la ciyaartay kooxaha Ingariiska tartanka UEFA Champions League (D1 L3), iyadoo guushaas ay ka gaartay Liverpool xilli ciyaareedkii hore. Kooxda Gian Piero Gasperini ayaa kulankii ugu dambeeyay waxaa 3-2 ku garaacday Manchester United, inkastoo ay 2-0 ku hogaaminayaan ciyaarta.

Manchester United ayaa kaliya hal guuldaro la kulantay 11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay kooxaha Italy ee tartanka UEFA champions League (W8 D2) halka ay guul gaadhay 5 ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay

Tani waxay noqon doontaa markii afaraad oo Atalanta ay martigeliso koox Ingiriis ah tartamada Yurub (1 guul iyo 1 guuldarro). Manchester United ayaa noqon doonta kooxdeeda afraad ee kala duwan ee tartankan, iyada oo hore u soo martigelisay Everton, Manchester City iyo Liverpool – dhammaan tan iyo xilli ciyaareedkii 2017-18.

Atalanta BC Vs Manchester United

Tartanka Champions league

Saacada (23:00pm Somaliya) (21:00pm Yurub)

Garoonka Gewiss Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here