Barcelona ayaa xaqiijisay in Sergio Aguero uu maqnaan doono ugu yaraan seddex bilood ka dib markii laga helay wadno xanuun.

Aguero ayaa dareemay xanuun laabta ah kulankii ay Barcelona la ciyaartay Alaves horyaalka La Liga, isagoo ugu danbayn garoonka ka baxay.

Tijaabooyinka ciyaarta ka dib ayaa muujiyay Xanuunka arrhythmia ee wadnaha. Xiddiga reer Argentine ayaa Sabtidii loo gudbiyay cisbitaal si loogu baaro wadnaha.

“Ciyaaryahanka Barcelona Kun Aguero waxa uu maray baadhitaan iyo hannaan lagu daweynayo ” ayay Barcelona ku tidhi warbixin ay soo saartay.

“Lama heli karo saddexda bilood ee soo socota, waxtarka daaweynta ayaa la qiimeyn doonaa si loo go’aamiyo habka soo kabashada.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here