Kooxda Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay ceyriso macalinkeeda Nuno Espirito Santo .

gudoomiyaha Daniel Levy ayaa ugu dambeyntii go’ansaday inuu magacaabo madaxii hore ee Wolves Nuno xagaagii hore kaasi oo hada ku fashilmay kooxda.

Inkastoo uu si xoogan ku bilowday horyaalka Premier League, hadana tababaraha reer Portugal ayaa haatan laga badiyay shan ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu hogaamiyo kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

Iyadoo dib u dhacyadaas ugu dambeeyay guuldaradii 3-0 ee kasoo gaadhay Manchester United Sabtidii, Football Insider ayaa soo jeedinaysa in Nuno laga yaabo in la ceyriyo ka hor dhamaadka usbuuca.

Warbixintu waxay sheegtay in Levy iyo Nuno ay wada-hadallo yeesheen Axaddii, iyagoo gaaray gabagabada in kooxdu ay u jihaysan doonto waddo kale.

Ryan Mason , oo si ku meel gaar ah loogu dhiibay dhamaadkii ololihii ugu dambeeyay, ayaa lagu xamanayaa inuu si ku meel gaar ah u sii hayn doono xilka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here