Photo/Barcelona

Sergio Aguero ayaa lagu soo waramayaa in uu Camp Nou kaga baxay ambalaas xalay kadib markii ay ku adkaatay in uu neefsado intii ay socotay kulankii Barcelona ay la ciyaartay Alaves horyaalka La Liga.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta lagu qasbay inuu garoonka Camp Nou ka baxo, iyadoo Philippe Coutinho lagu soo bandhigay bedelkiisa kulankii barbaraha 1-1 ah.

Aguero ayaa u muuqday mid ku dhibtoonaya inuu neefsado markii uu laabta qabtay, laakiin weeraryahanka ayaa awooday inuu garoonka ka baxo inkastoo bareelo loo yeeray.

Warar kala duwan oo ka soo baxaya dalka Spain ayaa sheegaya in uu garoonka kaga tagay gaari ambalaas ah si loo ogaado heerka uu gaarsiisan yahay dhibaatada.

Sida laga soo xigtay saxafiga Jose Alvarez Haya , Aguero ‘waa fiican’ laakiin waxa uu mari doonaa baadhitaano isbitaalka.

33-sano jirkaan ayaa seegay bilowgii xilli ciyaareedka sababo la xiriira dhibaato kubka ah, laakiin dhawaan ayuu garoomada kusoo laabtay, waxaana uu dhaliyay goolkiisii ​​ugu horeeyay kooxda reer Catalonia kulankii Real Madrid isbuucii hore.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here