Ankara (dalkaan) – Dhawrkii sano ee lasoo dhaafay, fagaaraha Kizilay ee ku yaalla bartamaha magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa camiray ganacsiyada ay ka sameynayaan dadka Soomaalida ah ee sida xad dhaafka ah u tegaya dalka Turkiga, iyagoo kala kulmay soo dhaweyn iyo qadarin heerkeedu sareeyo.

Bulshada Soomaaliyeed ee kusii badanaysa caasimadda Turkiga ayaa halkaas ka hir gelisay maqaayado, goobo lagu shaaho, bakhaarro dharka lagu iibiyo iyo ganacsiyo la-talin ah oo ay ku ganacsadaan labada dhinac, iyagoo si tartiib tartiib ah goobta uga dhigay xaafad firfircoon oo leh ganacsi xoog leh.

Si kastaba ha ahaatee, Xaafadaas oo ay si weyn u camireen dadka Soomaaliyeed ayaa hadda waxay noqotay meel ay Turkidu ku dhibaateyaan Soomaalida, waxaana halkaas kusoo badanaya naceybka loo qabo soo galootiga.

Wargeyska Maalinlaha ah ee Sozcu oo ah wargeys si weyn uga hadla arrimaha soogalootiga ayaa warbixin uu daabacay Bishii Aprill wuxuu cinwaan uga dhigay “Xarunta Ankara waxay noqotay Soomaaliya.”

Wargeyska ayaa warbixintiisa ku sheegay in ganacsatada magangeliyo-doonka ah ee ka timid Soomaaliya ay gabi ahaanba u beddeleen laba waddo oo ku yaalla Kizilay “in ay waddankooda ka dhigaan.”

Wixii warbixintaas ka dambeeyey, booliska Turkiga qeybtiisa dhar-cadda ayaa billaabay inay si joogto ah u booqdaan goobaha ganacsi oo ay Soomaalidu ku leedahay halkaas, iyagoo sameynaya baaritaano teel-teel ah oo ay ku dhibaateynayaan macaamiisha, sida ay dadka deegaanka u sheegeen Middle East Eye.

Bishii Sebtembar, dhacdo ka yaabisay Soomaalida Kizilay ayaa ka dhacday Ankara, kadib markii ay Booliska xireen ganacsato Soomaaliyeed oo halkaas ku lahaa xarumo waaweyn, iyadoo ugu dambeyntiina lagu amray inay isaga baxaan dalka Turkiga, taas oo ku khasabtay garansatada inay iibiyaan xarumahooda ganacsiga oo gebi ahaanba ay iska xiraan.

‘Ololaha dhibaataynta’

Dalka Turkiga oo marti geliyey ku dhawaad Shan Milyan oo qaxooti ah oo badi ka yimid Suuriya ayaa waxay xaqootiga kula dhaqmaan hab aan wanaagsaneyn.

Bilihii la soo dhaafay, mucaaradka Turkiga ayaa bilaabay inay sii huriyaan olole ka dhan ah dowladda oo ku guul dareysatay inay soo saarto xeelado lagu maareeyo qaxootiga oo aan aheyn “siyaasadda xuduudaha furan.”

Farqiga ugu weyn ee u dhaxeeya bulshada Soomaaliyeed iyo qaar badan oo ka mid ah dadka soo galootiga ah ee ku nool dalka Turkiga ayaa ah in Soomaalida ay u badan yihiin dad aqoon sare leh oo si sharci ah ku yimid wadanka Turkiga.

Inta badan dadka Soomaalida ah ee ku nool Turkiga ayaa heysta sharciyo degenaansho ah, waxayna lacag ku maalgeliyaan guryaha iyo ganacsiga dalka.

Dhibaatada lagu hayo qaxootiga ayaa waxaa kusoo biiray Soomaalida dalkaas ku nool, kadib markii bishii August ay rabshado ka dhaceen qayb kale oo ka mid ah magaalada Ankara, halkaas oo muwaadiniinta Turkida ah ay waxyeello u geysteen goobo ganacsi iyo guryo ay la haayeen qaxooti Suuriyaan ah, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qof qoxooti ah uu wiil dhallinyaro ah ku dilay beer lagu nasto.

Wixii intaas ka dambeeyay waxaa caadi ka noqday goobaha ganacsiga oo ay Soomaalidu leedahay in lagu arko ciidamo boolis ah oo ku labisan dareeska ciidamada, inkastoo ay si sharci ah u dhisteen goobo ganacsi oo ay ka howlgalaan.

“Marka hore, 15 askari oo boolis  ah ayaa soo xaadiray, waxayna bilaabeen inay meel walba ka raadiyaan dadka wixii ka dambeeyey 8-dii Sebtembar,”  Maxamed Ciise Cabdullaahi, oo ah milkiilaha kafateeriyada Soomaalida ayaa sidaas u sheegay MEE.

“Kadib shan maalmood boolis dhar cad ah ayaa mar kale nagu soo booqday, qaar naga mid ah ayaa la geeyey saldhigga booliska ee noo dhow. Waxay nooga digeen inaan shaqaaleysiino shaqaale aan fasax lahayn.” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Cabdullaahi waxa uu rumeysan yahay in booqashooyinka booliska ay qayb ka yihiin olole dhibaatayn ah oo ay wadaan maamulka deegaanka, wuxuuna sheegay in shaqaaleysiinta shaqalaha aan la fasixin ay kaliya keeni karto ganaax lacageed, balse aysan keeni karin in ganacsiyada la xiro, sida haddaba dhacday.

“Ugu horeyn arrimahaan waa wax khuseeya degmada, shaqana kuma lahan booliska,” ayuu yiri Onur Boran Duman, oo ah qareen ku takhasusay khilaafaadka shaqada.

Milkiilayaasha dukaamada ganacsi ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin joogitaanka Soomaalida, maadaama ay xaafadda u keeni jireen lacago iyo shaqooyin badan.


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here