Isku-aadka wareegga siddeedda tartanka Carabao Cup ayaa lasoo saaray, waxaana isku beegmay kooxo waaweyn oo isku dhacoodu uu xiise u yeeli doono tartanka, laakiin ay jamaahiirtu jeclaan lahaayeen in kulamada ugu dambeeya ay noqdaan.

West Ham United oo wareegyadii 16ka iyo 32ka kusoo reebtay Manchester United iyo Manchester City ayaa ku beegantay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Tottenham oo ay soo kala bixi doonaan, waxaana uu David Moyes rajaynayaa inuu sii wadan karo qaab ciyaareedka cajiibka ah ee kooxdiisa oo uu wareegga semi-finalka tegi doono.

Arsenal oo ka mid ah kooxaha waqtiyada badan kulamada ugu dambeeya yimid tartankan, ayaa waxay isku beegmeen kooxda heerka labaad ee Sunderland, waxaana uu tababare Mikel Arteta  uu haystaa fursad ay kooxdiisu ugu sii dhowaan karto ciyaarta ugu dambaysa.

Sunderland ayaa ah kooxda kaliya ee usoo gudubtay wareeggan ee aan ka ciyaarin horyaalka Premier League, waxaanay marti ku noqon doontaa Emirates Stadium.

Kooxda haysata Champions League ee Chelsea ayaa safar gaaban waxay ku tegi doontaa woqooyiga magaalada London oo ay kula soo ciyaari doonto Brentford oo kulankoodii horyaalka ee horraantii bishan ay kusoo garaacday 1-0.

Liverpool oo siddeed jeer kusoo guuleystay tartanka Carabao Cup ama EFL Cup, ayaa waxay garoonkeeda Anfield ku martigelin doontaa Leicester City oo ahayd kooxdii Manchester City ay finalkii kaga guuleystay xilli ciyaareedkii hore.

Kulankan oo la ciyaari doono badhtamaha usbuuca bisha December ayaa noqon doona midka ugu xiisaha badan afarta ciyaaarood ee wareeggan.

Isku-aadka oo dhamaystiran:

Tottenham Hotspur vs West Ham
Arsenal vs Sunderland
Brentford vs Chelsea
Liverpool vs Leicester City

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here