Manchester United ayaa Caawa Boorka iska Jaftay kadib guul ay ka gaartay Kooxda Tottenham Hotspur oo ku soo dhamaaday 0-3.

Xidiga Ronaldo ayaa Caawa Ka Qeyb qaatay Gool halka uu Gool kale Caawiye ka Noqday kaasi uu dhaliyay Cavani Halka Goolka Saddexaad uu ku daray Rashford.

Sharaxaada Ciyaarta

Daqiiqaddii 39aad ayuu Cristiano Ronaldo hoggaanka u dhiibay Manchester United, isaga oo goolka ku qabtay kubbad fooli ahayd oo uu xerada ganaaxa ugu keenay Bruno Fernandes.

Goolkan ayaa yimid waxyar kaddib markii Tottenham shabaqa taabsiisay gool uu Eric Dier dhaafiyey David de Gea, balse intii aanay dabbaal-degin uu calanwaduhu u sheegay inuu ku jiray offside, kaas oo aan xataa looga baahanin in laga soo daawado VAR.

Son ayaa ku dhowaaday inuu goolka barbarraha u keeno Tottenham intii aanay dhamaan qaybta hore, halka Fred iyo Edinson Cavani ay kubbado kaga naxsadeen Hugo Lloris, iyadoo uu Cristiano Ronaldo faraha caseeyey goolhayaha reer France.

Daqiiqaddii 48aad ayay Manchester United heshay gool labaad oo uu Cristiano Ronaldo u dhaliyey gool gantaal ahaa oo goolhaye Hugo Lloris aanu xataa hawaysan karin inuu joojiyo, hase yeeshee markii uu dabbaal-degga u cararay ayuu arkay calanka oo dhinaca ka taagan, looguna sheegayo offside.

Cristiano Ronaldo ayaa Edinson Cavani kubbad uga dhex saaray difaacyahannada Tottenham, waxaana uu kula kaliyeystay goolhayaha oo uu si fudud u dhaafiyey, iyadoo ciyaartuna noqotay 2-0.

Laacibka reer Uruguay oo uu Solskjaer kusoo bilaabay ciyaartan kaddib kulamo badan oo uu kaydka ku jiray ayaa bixiyey jawaabtii laga doonayay, isaga oo tusiyey tababarihiisa inay qalad ku tahay inuu kaydka kusii hayo.

Marcus Rashford oo beddel kusoo galay ayaa goolka saddexaad u dhaliyey Manchester United xilli Tottenham ay niyad-jabtay oo xataa ay ka baxday hammigii iyo riyadii ahayd inay ka daba iman karaan Red Devils.

Guushan ayaa Manchester United u noqonaysa middii ugu horreysay kaddib saddex ciyaarood oo guul la’aan ay ka ahaayeen horyaalka Premier League, waxaanay sabab ugu noqotay inay soo cidhiidhsadaan kaalinta shanaad ee horyaalka iyagoo yeeshay 17 dhibcood, isla markaana farqiga goolasha kaga sarreeya Arsenal oo ay isku dhibco yihiin.

Tottenham ayaa iyaduna u dhacday kaalinta siddeedaad ee horyaalka, lamana saadaalin karayo sida uu noqonayo mustaqbalka tababare Nuno Espirito Santo oo hore loo sheegay inay shaqadiisu halis ku jirto, kuna xidhan tahay natiijada uu ka keeno ciyaartan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here