Xiddiga reer  Argentina ee Lionel Messi ayaa laga dhex waayey ciyaartoyda PSG ee kusoo laabtay garoonka qaybtii dambe kulankii xalay ee Lille, xilli kooxda lagu lahaa gool ay u dagaallamayeen inay kasoo kabtaan.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa shaaciyey sababtii uu u beddelay Lionel Messi waqtigii nasashada xilli ay kooxdiisu raadinaysay inay ka daba timaaddo Lille oo gool qaybtii hore ka dhalisay.

Marquinhos iyo Angel di Maria ayaa 15kii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaarta waxay PSG u dhaliyeen laba gool oo guul soo laabasho ah ay ku heleen, hase yeeshee Lionel Messi ayaan wali furanin xisaabtiisa goolasha horyaalka Serie A.

Pochettino oo ciyaarta kaddib warbaahinta la hadlay ayaa tibaaxay inuu ‘taxadar’ darteed u saaray Lionel Messi oo ay jugo soo gaadheen qaybta hore, waxaanu yidhi: “Waa inaanu sugno. Waxa aanu la hadalnay dhakhtarka. Waxay ahayd taxadar, ciyaartan muu sii wadan karayn, laakiin dhaawac weyn ma aha. Diyaar ayuu u noqon doonaa ciyaarta xigta.”

Lionel Messi oo filasho badan laga qabay markii uu tegay PSG oo uu si xor ah ugaga soo wareegay Barcelona xagaagii ayaan illaa hadda la qabsan kooxda, waxaana bandhiggiisii xalay uu ahaa mid aad u liita oo aan marnaba laga filayn.

Ka sokow gool la’aanta uu yahay ciyaartiisii shanaad ee horyaalka ah ee uu dheelo, waxa 34 jirkan looga diiwaangeliyey ciyaarta bandhig liita iyo qiimayn fadeexad ahayd, mana jirin ciyaartoy ka liitay.

Sidaas oo ay tahay, haddana waxa uu yahay ciyaartoyga ugu goolasha badan kooxdiisa PSG tartanka Champions League waxaanu dhaliyey saddex gool, isaga oo kulankii RB Leipzig iska diiday fursad uu saddexlay ku dhalin lahaa.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here